Qof la jecelyahay ayaa xittaa wax xanuujin kara

Naagtu waxay hal gacan ku haysaa wejiga hortiisa.
Xoog-sheegashadu waa khalad. Waxay xanuujisaa dadka kuu dhow. Qof kasta ayaa la kulmi kara xoog-sheegasho ama xoog-sheegan kara. Caawimaad waa la helayaa.

Xoog-sheegashadu waxay noqon kartaa:

  • xanuujinta dhinaca jirka ah, tusaale jiidis, u gacanqaadin, xoog u qabasho
  • xanuujin dhinaca galmada ah, tusaale ku qasbid galmo ama caayitaan
  • xanuujin dhinaca qalbiga ah, tusaale aflagaaddayn, dirqin ama ku cabsigelinta weynta sharciga degganaanshaha dalka
  • koontaroolidda isticmaalka lacagta, xiriirka dadka, dhaqdhaqaaqa ama warbaahinta bulshada, internetka ama isticmaalka telefoonka
  • ku qasbid guur ama gudniinka xubinta taranka

Miyuu qof kuu dhow ama xubin qoyskaada ka tirsan kuu xoogsheegtay adiga, ama miyaad adigu qof kuu dhow ama xubin qoyskaada ka tirsan u xoogsheegatay? Ma doonaysaa in aad wax badan ka sii ogaato xaqa aad u leedahay nolol ammaan ah oo aan xoogsheegasho lahayn?

Nala soo xiriir, qof kasta caawimaad ayaa loo helayaa

Nollalinja - Talo ayaad weydiin kartaa. Uma baahnid in aad magacaada sheegto. Adeegga telefoonka 24/7, tel. 080 005 005 (chat saacadda u dhexeysa 9–15).
nollalinja.fi(Link leads to external service)

Monika-Naiset - Adeegyada loogu talaggalay dumarka iyo carruurta asal ahaan dalka u soo guuray ee xoogsheegashada la kulmay. Telefoonka caawimaadda 0800 05058 Isniin 9–19, Talaado-Jimco 9–16. Guriga ammaanka ee Mona, tel. 045 6396 274 (24/7).
monikanaiset.fi(Link leads to external service)

Loisto setlementti - Shaqada Sopu waxay dadka ka caawisaa xasasradaha iyo xaaladaha khilaafka ah ee sharafta la xiriira, tel. 010 508 8830, soputila.fi.
sopu@loistosetlementti.fi(Link opens default mail program)

Daryeelka degdegga ah ee maalmaha caadiga ah saacadda u dhexeysa 816 waxaa laga helayaa rugtaadada caafimaadka, wakhtiyada kale wac heeganka caawimaadda, tel. 116 117.
www.hel.fi (Ingiriisiga ku hadla)

Heeganka Helsinki ayaa qiimeynaya baahida loo qabo adeegyada sooshalka ee degdegga ah (24/7), tel. 0206 96006 ja Heeganka Helsinki ayaa dadka caawiya marka ay ku jiraan xaaladaha xoogsheegashada ah (24/7) tel. 09 310 44222.
www.hel.fi (Ingiriisiga ku hadla)

Wadajir ayaan xoogsheegashada u joojinaynaa!
hel.fi/fivefingers (Ingiriisiga ku hadla)