Diiwaanka isgaarsiinta iyo suuqgeynta ee xafiiska magaalada

1. Diiwaangeliyaha

Magaalada Helsinki / xafiiska magaalada

2. Qofka diiwaanka mas'uulka ka ah

Xafiiska magaalada / Qaybta isgaarsiinta / Maamulaha isgaarsiinta 

Si waafaqsan go'aanka 7.3.2022 § 182, mas'uuliyadda iyo hawlaha la xiriira haynta diiwaanka maamulka magaalada ee lagu hayo xafiiska magaalada waxaa mas'uulka ah diiwaanka maamulaha isgaarsiinta.

3. Qofka diiwaanka lagala xiriirayo

Qorsheeyaha isgaarsiinta ee waaxda isgaarsiinta baannaanka eeqaybta isgaarsiinta xafiiska magaalada.

Macluumaadyada xiriirka

Helsingin kaupunki, Kirjaamo PL 10 (Pohjoisesplanadi 11–13), 00099 Helsingin kaupunki

4. Ujeedooyinka ka baaraandegista macluumaadka shakhsiga ah iyo sababaha sharciyeed ee loo cuskaday

Ujeedooyinka ka baaraandegista

Ujeedada ka baraandegista macluumaadyada shakhsiga ee ku jira diiwaanka waa in dadka degmada deggan farriin iyo suuqgeyn ahaan loo gaarsiiyo adeegyada iyo waxqabadka magaalada.

Sababaha sharciyeed ee loo cuskaday

Marka ay magaaladu u dirto macaamiisheeda warsideyaal, waxaa macluumaadka shakhsiga looga baaraandegayaa

  • si waafaqsan qodobka qaanuunka guud ee Midowga Yurub qodobka 6 bartiisa 1 a: Qofka la diiwaangeliyay wuxuu oggolaaday in macluumaadkiisa shakhsiga ah ujeeddo hal ama ka badan darteed looga baaraandego.

Sharciga degsan ee muhiimka ah 

  •  Qaanuunka guud ee Midowga Yurub ee ilaalinta macluumaadka (679/2016)
  • Sharciga ilaalinta macluumaadka (1050/2018) 
  • Sharciga shaacinta waxqabadka shaqaalaha dowladda (621/1999)

5. Dulucda macluumaadka ee diiwaanka

Marka ay magaaladu u dirto macaamiisheeda warsideyaal, macluumaadyada shakhsiga ee laga baaraandegayo waa iimaylka qofka la diiwaangeliyay.

6. Wareejinnada macluumaadyada shakhsiga ee sharciga waafaqsan

Sida uu qabo sharcigu, macluumaadka ku jira diiwaanka looma wareejiyo qaybta kale oo saddexaad oo ka baxsan magaalada Helsinki.

7. U gudbinta macluumaadka shakhsiga ee meel ka baxsan soonaha Midowga Yurub ama ETA

Macluumaadka ku jira diiwaanka looma gudbinayo meel ka baxsan agagaarka Midowga Yurub ama ETA.

8. Wakhtiga kaydinta macluumaadka

Marka ay magaaladu u dirto macaamiisheeda warsideyaal, waxaa macluumaadyada shakhsiga la kaydinayaa inta isticmaalkoodu socdo iyo shan sano kaddib marka uu isticmaalku dhammaado.

9. Ilo wareedyada macluumaadka shakhsiga

Macluumaadka waxaa laga helayaa qofka la diiwaangeliyay.

 

Warbixinta diiwaanka (af finnish)