Haddii sida ku cad xogta diiwaanka dadweynaha aad tahay haweeney reer Helsinki ah oo da’deedu u dhaxayso 50–69 sano, qiyaastii labadii sanaba hal mar waxaad warqad ahaan ku heli doontaa casuumaad adiga kuu gaar ah oo ku saabsan baaritaanka shaandhaynta kansarka naasaha.
Sannadaha tirooyinka kinsiga ah, casuumaadda waxaa hela haweenka dhashay sannadaha tirooyinka kinsiga ah, sannadaha tirooyinka dhabanka ahna waxaa casuumaadda hela haweenka dhashay sannadaha tirooyinka dhabanka ah. Casuumaadda waxaa laguugu sheegayaa waqtiga iyo goobta baaritaanka. Baaritaanku lacag la’aan ayuu kuu yahay, ka qaybqaadashaduna waa ikhtiyaari.
Baaritaannada shaandhaynta waxaa fulinaya Unilabs Oy.
Maxay muhiim u tahay inaad ka qaybqaadato baaritaanka shaandhaynta?
Kansarka naasuhu waa kansarka ugu badan ee ku dhaca haweenka. Baaritaanka shaandhaynta waxaa looga dan leeyahay in kansarka naasaha lagu ogaado sida ugu horreysa ee suurtagalka ah, maadaama marka hore loo ogaado saadaasha daaweynta kansarku ay wanaagsan tahay. In kansarka goor hore la ogaado waxay sidoo kale kordhisaa fursadda lagu heli karo daaweyn lagu badbaadin karo nudaha qanjidhada naaska.
Sidee baaritaanka loo sameeyaa?
Baaritaanka mammografiyadu waa baaritaan raajo ah oo naasaha lagu sawiro. Naaska la sawirayo waxaa lagu cadaadiyaa laba saxan dhexdood si uu naaska ay u xajiyaan, naaskuna uu si faahfaahsan oo fiican uga muuqdo sawirka, isla markaana loo yareeyo shucaaca qofku qaadanayo.
Cadaadisku wuxuu keeni karaa dareen aan raaxo lahayn, laakiin wuxuu socdaa oo keliya muddada sawirka la qaadayo.
- Faahfaahin dheeraad ah ka akhri: Mammografiyada iyo baaritaannada kale ee qanjidhada naasaha (Tutkimukseen tulijan talo | Terveyskylä)(Link leads to external service)
- Bogagga ururka Tunne rintasi ry waxaa lagu soo ururiyey muuqaallo sharxaya waxa dhacaya marka la samaynayo baaritaanka mammografiyada: Mammografiyada shaandhaynta (Tunne rintasi ry)(Link leads to external service)
Fadlan ogow in mammografiyadu tahay baaritaan shucaac ama kaahfal ah, isla markaana ay tahay in ugu yaraan hal sano ay ka soo wareegtay mammografiyadii hore ee lagaa qaaday. Imblantka naasaha (rintaimplantit) badanaa kama hor tagaan in baaritaanka la sameeyo.
Sidee natiijada baaritaanka laguugu soo sheegayaa?
Haddii aad oggolaansho ka bixisay in farriimo qoraal ah laguu soo diro, natiijada baaritaanka iyo casuumaadda baaritaanada dheeraadka ah ee suurtagalka ah waxaa marka hore laguugu soo diri doonaa farriin qoraal ah. Haddii aad rabto, natiijada baaritaanka waxaa sidoo kale laguugu soo diri karaa warqad ahaan. Haddii loo baahdo baaritaan dheeraad ah, waxaa sidoo kale lagugu casuumi karaa telefoon. Haddii siyaabo kale laguula soo xiriiri waayo, casuumaadda waxaa laguu soo diri doonaa warqad ahaan.
Maxaa dhacaya haddii la helo wax caadiga ka baxsan?
Haddii natiijada baaritaanka shaandhayntu muujiso in loo baahan yahay baaritaanno dheeraad ah, waxaad heli doontaa casuumaadda baaritaannadaas iyo, haddii loo baahdo, tallaabooyinka iyo daaweynta xigi kara.
Baaritaannada dheeraadka ah, naasaha badanaa mar kale ayaa sawir laga qaadayaa. Intaa waxaa dheer, sida caadiga ah waxaa la sameeyaa baaritaanka naaska ee ultrasound-ka, waxaana inta baaritaankaas lagu jiro laga qaadi karaa saami irbad ah haddii loo baahdo. Mararka qaarkood waxaa sidoo kale la isticmaalaa sawirka MRI-ga ee naasaha ama duktografiyada, taas oo ah sawir lagu sameeyo mariinka caanaha ee naaska iyadoo la isticmaalayo walax sawirka ka dhigaysa mid si fiican u muuqda.
Sideen u baajin karaa ama u beddeli karaa waqtiga baaritaankayga?
Haddii waqtiga sawir-qaadista ee lagugu soo jeediyey warqadda casuumaaddu aanu kugu habboonayn, marka hore waqtiga baaritaanka ka beddel internetka adigoo isticmaalaya cinwaanka lagu sheegay warqadda casuumaadda. Gelitaanka adeegga internetka wuxuu u baahan yahay xaqiijin xooggan oo aqoonsiga ah, tusaale ahaan adigoo isticmaalaya aqoonsiga bangiga.
Gal adeegga internetka ee Unilabs(Link leads to external service)
Adeegga internetka waxaad ka arki kartaa dhammaan waqtiyada bannaan ee baaritaanka shaandhaynta ah ee bisha soo socota. Haddii aadan bisha soo socota ka helin waqti kugu habboon, fadlan sug inta jadwalka ballan-qabsigu cusboonaanayo.
Haddii aadan ballan ka qabsan karin internetka, waxaad sidoo kale ballan ku qabsan kartaa telefoonka maalmaha shaqada saacadaha 8.00–18.00, tel. 09 685 4158(Link starts a phone call).
Miyaadan helin casuumaad?
Haddii aad leedahay xannibaad lagu ilaaliyo xogtaada gaarka ah (turvakielto), ma heli doontid casuumaad baaritaanka. Xaaladdaas, adiga ayaa waqti u qabsanaya baaritaanka.
Mararka qaarkood casuumaaddu sidoo kale way ku soo gaari weydaa haddii aad guurtay oo xogta ku jirta nidaamka diiwaanka dadweynuhu aan weli la cusboonaysiin. Casuumaadaha waxaa la diraa sannadka oo dhan. Haddii aadan helin casuumaad ilaa dhammaadka sannadka, adigu waqti u qabso baaritaanka.
Casuumaadaha waxaa lagu diraa iyadoo lagu salaynayo jinsiga ku qoran nidaamka diiwaanka dadweynaha. Haddii aad jinsigaaga u xaqiijisay inuu yahay nin, ma heli doontid casuumaad gaar ah oo baaritaanka shaandhaynta ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaad ka qaybqaadan kartaa baaritaanka shaandhaynta adigoo la xiriiraya adeegga macaamiisha ee Unilabs.