Kooxaha da’da ee uu khuseeyo baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirku waxay labadii sanaba hal mar warqad ahaan u helaan casuumaad shakhsi ah oo baaritaanka shaandhaynta ah. Baaritaanku lacag la’aan ayuu kuu yahay, ka qaybqaadashaduna waa ikhtiyaari, mana u baahna in ballan la qabsado.
Haddii aad isku aragto calaamado cusub oo ah cillado ku yimaadda shaqada mindhicirada, ha sugin casuumaadda baaritaanka shaandhaynta, balse la xiriir dhakhtar.
Baaritaanka shaandhaynta waxaa fulisa HUS Diagnostiikkakeskus.
Maxay muhiim u tahay inaad ka qaybqaadato baaritaanka shaandhaynta?
Calaamadaha kansarka mindhicirada ee suurtagalka ah waxay marxaladda hore noqon karaan kuwo aan caddayn, waxaa macquul ah xattaa inaanay calaamado dhan jirin. Ujeeddada baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada waa in kansarka lagu ogaado marxalad hore, markaas oo ay fududahay in la daweeyo.
Sidee baaritaanka loo sameeyaa?
Baaritaanka shaandhayntu wuxuu ku salaysan yahay tijaabo saamiga saxarada looga raadiyo oo loo yaqaan dhiig qarsoon. Waxaad warqadda casuumaadda la socota ku heli doontaa qalabka saami-qaadista iyo tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan sida saamiga loo qaado.
Saamiga saxarada waxaa la qaadaa marka musqusha la isticmaalayo, kadibna waxaa loo diraa shaybaarka si loo baaro. Xidhmaha warqadda casuumaadda waxaa ku jira baqshad celin ah oo kharashka boostada horay loo bixiyay.
Helitaanka natiijooyinka
Haddii natiijadu tahay mid bositif ah, kalkaalisada rugta bukaan-socodka cudurrada gudaha ee Helsinki (kalkaalisada shaandhaynta) ayaa telefoon kugula soo xiriiri doonta. Wicitaanku wuxuu ka imanayaa lambarka rugta bukaan-socodka cudurrada gudaha ee magaalada Helsinki.
Natiijada bositifka ah waxaad sidoo kale ku heli doontaa warqad. Haddii aad warqadda natiijada hesho ka hor inta aan kalkaalisada shaandhayntu ku soo wicin, waxaad la xiriiri kartaa kalkaaliyayaasha shaandhaynta ee magaalada Helsinki maalmaha talaadada iyo khamiista saacadaha 8.00–14.00, t. 09 310 47692. Dhageyso farriinta codka ah ee la duubay oo dooro 3, "Baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada". Haddii aad hore telefoonka ugula hadashay kalkaalisada shaandhaynta oo lagaa qaaday wareysiga xogta hordhaca ah, uma baahnid inaad mar kale la xiriirto marka aad hesho warqadda natiijada bositifka ah.
Haddii natiijadu tahay mid negatif ah, waxaad heli doontaa oo keliya warqadda natiijada. Natiijada baaritaanka ee negatifka ah ma keenayso waxqabad dheeraad ah.
Maxaa dhacaya haddii la helo wax caadiga ka baxsan?
Haddii saxarada laga helo dhiig, jawaabta waxaa la socon doona tilmaamo ku saabsan sida loo ballaminayo baaritaanka dheeraadka ah. In dhiig la helo mar walba calaamad uma aha kansar, laakiin si loo ogaado sababta waxaa loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah. Baaritaanka dheeraadka ah ee ugu badan waa kolonoskoobi, oo ah baaritaanka gudaha mindhicirka weyn
Maxaa sababi kara natiijada bositifka ah?
Natiijada bositifka ah mar walba kama dhigna inuu kansar jiro. Badanaa dhiig-baxu wuxuu ka yimaadaa sababo kale, tusaale ahaan mabaabasiir. Kalkaalisada shaandhaynta ayaa telefoonka ku qiimaynaysa baahida loo qabo baaritaanada dheeraadka ah.
Si aad ugu diyaar garowdo wareysiga telefoonka ee kalkaalisada shaandhaynta, waxaad horay u sii diyaarsan kartaa macluumaadka ku saabsan baaritaannadii hore ee gudaha mindhicirada, qalliinadii lagugu sameeyay iyo daawooyinka aad hadda isticmaasho.
Sidoo kale horay uga hubi OmaKanta inaad bixisay oggolaanshaha lagu gudbin karo xogta bukaanka ee lagama maarmaanka u ah daryeelkaaga dadka ka qaybqaadanaya daryeelkaaga. Haddii aad oggolaanshaha gudbinta xogta bixisay sannadkii 2023 ama ka hor, waxaa habboon inaad ku cusboonaysiiso OmaKanta. Waxaad xaaladdaada ka hubin kartaa OmaKanta qaybta Maamulka isticmaalka xogta (Tietojen käytön hallinta.).
U gudub OmaKanta(Link leads to external service)
Miyaadan helin casuumaad?
Hubi inaad ka tirsan tahay kooxda da’da la baarayo: Goorma ayaa kooxda da’daada la baarayaa? (HUS)(Link leads to external service)
Haddii aad leedahay xannibaad lagu ilaaliyo xogtaada gaarka ah (turvakielto), ma heli doontid casuumaadda baaritaanka. Xaaladdaas, adiga ayaa waqti u qabsanaya baaritaanka.
Mararka qaarkood casuumaaddu way ku soo gaari weydaa haddii aad guurtay oo xogta ku jirta nidaamka diiwaanka dadweynuhu aan weli la cusboonaysiin. Casuumaadaha waxaa la diraa sannadka oo dhan. Haddii aadan helin casuumaad ilaa dhammaadka sannadka, adiga ayaa waqti baaritaanka uga qabsanaya adeegga macaamiisha ee shaybaarka HUS.
Ka eeg macluumaadka xiriirka adeegga macaamiisha (HUS)(Link leads to external service)
Sidan ayaad uga qaybqaadanaysaa baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada
-
Waxaad boostada ku heli doontaa casuumaad shakhsi ah oo baaritaanka shaandhaynta ah
- Haddii aad ka tirsan tahay kooxda da’dooda la baarayo, waxaad warqad ahaan cinwaanka gurigaaga ugu heli doontaa casuumaadda baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada ah.
Goorma ayaa kooxda da’daada la baarayaa? (HUS)(Link leads to external service) - Warqadda casuumaadda waxaa la socda qalabka loogu talagalay qaadista saamiga baaritaanka iyo baqshad kartoon ah oo saamiga lagu soo celiyo, taas oo kharashka boostada horay loo bixiyay.
- Waxaa habboon inaad ka qaybqaadato baaritaanka shaandhaynta isla marka aad hesho casuumaadda.
- Haddii aad ka tirsan tahay kooxda da’dooda la baarayo, waxaad warqad ahaan cinwaanka gurigaaga ugu heli doontaa casuumaadda baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada ah.
-
Buuxi foomka xogta hordhaca ah
- Markaad hesho casuumaadda baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada, waxaan kugula talinaynaa inaad internetka ku buuxiso xogta hordhaca ah ee la xiriirta baaritaanka shaandhaynta.
- Si aad foomka u buuxiso, waxaad u baahan tahay aqoonsiga saamiga, kaas oo ku qoran warqadda casuumaadda.
- U gudub buuxinta foomka xogta hordhaca ah (HUS)(Link leads to external service)
-
Qaad saamiga baaritaanka
- Saamiga baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada adiga ayaa guriga ku qaadaya adigoo usha tijaabada marinaya saxarada. Warqadda casuumaadda waxaa la socda tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan sida saamiga loo qaado. Si taxaddar leh u raac tilmaamaha.
- Ka hor inta aan saamiga la qaadin looma baahna inaad soonto ama aad hakiso daawooyinka aad isticmaasho. Saamiga waxaad qaadi kartaa wakhti kasta oo maalintii ama habeenkii ah.
- Tuumbada saamiga ku kaydi heerkulka qolka.
-
Saamiga ku celi boostada ama shaybaarka
- Saamiga soo celi sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah ka dib markaad qaaddo.
- Saamiga oo ku jira baqshadda celinta gee sanduuqa saamiyada lagu celiyo ee shaybaarka HUS ama boostada ku dir ugu dambayn maalinta ku xigta maalinta aad saamiga qaadday.
- Dhammaan shaybaarrada waxaa yaalla aalad ama sanduuq loogu talagalay soo celinta saamiyada, kaas oo lagu calaamadeeyay qoraalka "Suolistosyöpäseulonta". Looma baahna inaad ballan ka qabsato shaybaarka si aad saamiga u celiso.
Halkan ka eeg macluumaadka xiriirka ee shaybaarrada HUS(Link leads to external service)
-
Waxaad natiijada heli doontaa qiyaastii bil kaddib
- Waxaad natiijada baaritaanka shaandhaynta kansarka mindhicirada warqad ahaan ugu heli doontaa cinwaanka gurigaaga qiyaastii bil gudaheed marka saamigaagu gaaro goobta lagu baarayo. Natiijooyinka shaybaarka telefoon laguma bixiyo.
- Natiijada negatifka ah, oo ah natiijo caadi ah, waxay ka dhigan tahay inaan dhiig laga helin saamigaaga.
- Natiijada bositifka ah waxay ka dhigan tahay in dhiig laga helay saamigaaga. Dhiigga la helay khasab ma aha inuu ka dhigan yahay kansarka mindhicirada ama isbeddello hordhac u ah kansarka. Si kastaba ha ahaatee, sababta waa in lagu ogaadaa baaritaanno dheeraad ah. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan baaritaannadaas waxaad ka heli doontaa warqadda natiijada.