Waxaan dhammaan haweenka reer Helsinki ee da’doodu u dhaxayso 25–65 sano ugu yeernaa baaritaanka shaandhaynta kansarka mariinka ilmagaleenka shantii sanaba hal mar. Haddii aad ka mid tahay dadka baaritaankan loogu talagalay, casuumaad ayaa boostada laguugu soo diri doonaa cinwaanka gurigaaga.. Casuumaadda waxaa laguugu sheegayaa waqtiga iyo goobta baaritaanka. Baaritaanku lacag la’aan ayuu kuu yahay, ka qaybqaadashaduna waa ikhtiyaari.
Baaritaannada shaandhaynta waxaa qaabilsan HUS Diagnostiikkakeskus.
Maxay muhiim u tahay inaad ka qaybqaadato baaritaanka shaandhaynta?
Ujeeddada baaritaanka shaandhaynta kansarka mariinka ilmagaleenku waa in lagu ogaado haddii uu jiro isbeddel hordhac u ah kansarka marriinka ilmagaleenka. Marka isbeddelka hordhaca u ah kansarka lagu ogaado marxalad hore, waa la daweyn karaa, waxaana laga hortagi karaa inuu isu beddelo kansar.
Sidee baaritaanka loo sameeyaa?
Haweenka 30 sano buuxiyay baaritaankooda shaandhaynta kansarka mariinka ilmagaleenka wuxuu ku salaysan yahay baaritaanka HPV. Haweenka ka yar 30 sano baaritaankooda shaandhayntu wuxuu ku salaysan yahay baaritaanka Papa-ga oo ah baaritaanka unugyada xuubab dheecaameedka xubnaha dhalmada ee haweenka.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhri: Maxaa lagu raadinayaa baaritaanka shaandhaynta? (HUS)(Link leads to external service)
Markaad timaaddo baaritaanka shaandhaynta, kalkaalisadu waxay burushka saami-qaadista kaga qaadaysaa saami unugyo ah afka ilmagaleenka ama kanaalka mariinka ilmagaleenka. Haddii ilmagaleenka lagaa saaray, saamiga waxaa laga qaadayaa siilka.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhri: Maxaa dhacaya marka la tago baaritaanka shaandhaynta? (HUS)(Link leads to external service)
Helitaanka natiijooyinka
Waxaad jawaabta natiijooyinka heli doontaa qiyaastii labo bilood gudahooda, waxaana laguugu soo diri doonaa boostada gurigaaga ama OmaPosti. Natiijooyinka looma gudbiyo OmaKanta ama Maisa.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhri: Sidee iyo goorma ayaan helayaa natiijooyinka baaritaanka shaandhaynta? (HUS)(Link leads to external service)
Maxaa dhacaya haddii la helo wax caadiga ka baxsan?
Haddii baaritaanka shaandhaynta lagu arko natiijooyin aan caadi ahayn, warqadda natiijada waxaa lagugu siin doonaa tilmaamo ku saabsan sida aad uga qaybqaadan karto baaritaannada dheeraadka ah. Baaritaanka dheeraadka ahi inta badan waa baaritaanka sawiridda mariinka ilmagaleenka ee (kolposkopia). Baaritaanka dheeraadka ah waxaa laguu soo diri doonaa casuumaad gaar ah.
Haddii isbeddelladu ay fudud yihiin, waxaa ku filan in saami cusub lagaa qaado laba sano gudahood. Waxaa taas laguugu soo diri doonaa casuumaad adiga kuu gaar ah.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhri: Goorma ayaa loo baahan yahay baaritaanno dheeraad ah, maxayse yihiin? (HUS)(Link leads to external service)
Sideen u baajin karaa ama u beddeli karaa waqtiga baaritaankayga?
Haddii waqtiga laguugu sheegay warqadda casuumaaddu aanu kugu habboonayn, waxaad waqtiga ka beddeli kartaa internetka ama waxaad wici kartaa adeegga macaamiisha ee shaybaarrada HUS.
Waxaad sidoo kale baajin kartaa waqtiga haddii aadan doonayn inaad gabi ahaanba ka qaybqaadato baaritaanka shaandhaynta ah.
Internetka ka beddel ama ka baaji waqtiga baaritaanka shaandhaynta(Link leads to external service)
Macluumaadka xiriirka ee adeegga macaamiisha shaybaarrada HUS(Link leads to external service)
Faahfaahin dheeraad ah ka akhri: Sideen waqti ugu qabsadaa baaritaanka shaandhaynta? (HUS)(Link leads to external service)
Miyaadan helin casuumaad?
Haddii aad leedahay xannibaad lagu ilaaliyo xogtaada gaarka ah (turvakielto), ma heli doontid casuumaad baaritaanka. Xaaladdaas haddii ay jirto, adiga ayaa waqti u qabsanaya baaritaanka sannadka ay kooxda da’daadu ku beegan tahay baaritaanka shaandhaynta.
Hubi inaad ka tirsan tahay kooxda da’da ee la baarayo (HUS)(Link leads to external service)
Mararka qaarkood casuumaaddu sidoo kale waxaay ku soo gaari waydaa haddii aad guurtay, oo xogta ku jirta nidaamka diiwaanka dadweynaha aan weli la cusboonaysiin. Casuumaadaha waxaa la diraa sannadka oo dhan. Haddii aadan helin casuumaad ilaa dhammaadka sannadka ay kooxda da’daadu ku beegan tahay baaritaanka shaandhaynta, adiga ayaa waqti u qabsanaya baaritaanka.