Dadka reer Helsinki waxay gaareen 700 000
Dadka reer Helsinki waxay gaareen 700 000Tirada dadka Helsinki waxay kor u dhaaftay 700 000 oo qof. Waan ku faraxsanahay inaad anaga naga mid tahay.
The browser you are using is outdated and might pose a security risk when you visit other websites. Update your browser to the latest available version.
Tirada dadka Helsinki waxay kor u dhaaftay 700 000 oo qof. Waan ku faraxsanahay inaad anaga naga mid tahay.
Dadka reer Helsinki waxay hadda gaareen 700 000. Tani way ka badantahay tiro kaliya. Waxay muujinaysaa in Helsinki ay tahay magaalo soo jiidasho leh oo ay dadku doonayaan inay ku noolaadaan, wax ku bartaan, ka shaqeeyaan, mustaqbalkoodana ku dhistaan. Qof kasta oo naga mid ah oo reer Helsinki ah wuxuu magaaladiisa ka dhigaa mid isaga si gaar ah u shabahda. Si wadajir ah ayaannu u dhisaynaa Helsinki aan ku faani karno.
Intii lagu jiray qarnigan 2000-aad, tirada dadka Helsinki waxay sannad kasta korodhaysay celcelis ahaan qiyaastii 5 600 oo qof. Sannadkii 2025 tirada dadku waxay korodhay ilaa 11 000 oo qof. Tirada dadka da’da shaqada ku jira ayaa sida ugu xooggan u kordhaysa, sababtoo ah dadku waxay Helsinki ugu soo guurayaan waxbarasho iyo shaqo, iyaga oo ka imanaya dibadda iyo qaybaha kale ee Finland labadaba. Koboca magaaladu wuxuu keenayaa fursado waxbarasho iyo shaqo oo badan, xaafado firfircoon, adeegyo wanaagsan iyo Helsinki kala duwan oo qof walba uu ka heli karo nolol isaga ku habboon.
Dadku waxay mar walba Helsinki ugu soo guuri jireen iyaga oo raadinaya nolol wanaagsan. Mowjadii ugu horreeysay ee dadka miyiga uga soo guuray Helsinki wuxuu billowday qarnigii 19-aad, waxaana muddo soddon sano ah tirada dadka Helsinki ku korodhay 20 000 oo qof. Sannadihii u dambeeyayna magaaladeennu waxay ku kortay xawaare aan hore loo arag waxaana si gaar ah u sababay dadka soo guuraya. Sida ay muujinayaan saadaalihii ugu dambeeyay ee tirada dadku, Helsinki waxay noqon kartaa magaalo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof marka la gaaro sannadka 2070.
Macluumaadka tirakoobka ee Helsinki (af-ingiriis)(Link leads to external service)
Warsidaha af-soomaaliga ah ee magaalada Helsinki waxaad ka heli doontaa macluumaad cusub oo ku saabsan nolosha caasimadda Finland. Warsidaha waxaan kaga warrannaa, tusaale ahaan, munaasabadaha iyo adeegyada magaalada. Warsidaha wuxuu soo baxaa afar jeer sannadkii.