Akhristaha sharafta leh
In laga hadlaa maandooriyaalka isla markaana dadka lagu wargeliyo waxay ka mid tahay hawlaha ay magaalada Helsinki kor ugu qaadaydo horrumarinta caafimaadka. Maagaaladu waxay soo saartay adeegyo la xariira in macaamiisha loogu adeego afkooda hooyo hadba intii la awoodo.Adeegyadaas la xariira luqadaha kala gedisan waxaa lagu bilaabay luuqadaha ugu badan ee ay ku hadlaan dadka wadanka u soo haajiray.
Waxaana na faraxgelinaya in aan soo gelinay bogga internetkeena qoraalo ka hadlaya mawduucyo kala duwan oo afsoomaali ku qoran.
Qoraalada aan soo gelinay bogga internetka waxay ka hadlayaan maandooriyaha loo yaqaan Qaadka iyo maandooriyaalka kale ee ku badan Finaland. Bogga internetka qoraalka ku jiraa wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa qaabka sharcidara ah ee uu ku soo galo Finland, dhibaatooyinka lagala kulmo iyo waxa uu ka qabo sharciga Finnishkuba.
Maandooriyaha Qaadka waxyaalaha la xariira aqoonta ay finnishku u leeyihiin way yartahay. Sidaa awgeed dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho ee Qaadku keeno waxaa wax ka qori kara oo keliya aqooyahanada ka soo jeeda soomaalida.
Qoraalada aan soo gelinay bogga internetka waxaa qoray dhakhtarada Mulki Mölsä iyo guddoomiyaha golaha midnimada Soomaaliyeed ee Finland Said Aden. Qormada saddexaadna waxay ka dhalatay maacluumaadyo kala duwan oo ay heshay magaalada Helsinki.
Boggan waxaa la xariira meel ay dadka ku hadlaa afsoomaaliga ku soo qorikaraan su’aalo la xariira maandooriyaalka isla markaana ay jawaabtooda oo afsoomaali ah ka helikaraan. Meeshaan lagu soo qoraayo su’aalaha waxay u shaqaynayaan qaab tijaabo ah dayrtaan 2009. Xiliga ay tijaabadu bilaabanayso dib ayaan ka soo sheegidoonaa.
Sooshalka shaqada ka hortaga maandooriyaalka
Tel. 310 42815
Emaili: ety@hel.fi
|